Kabtan Sergio Ramos oo heshiis kordhin cusub ka dalbaday Kooxdiisa Real Madrid

(Madrid) 31 Okt 2020. Sida wararku ay tilmaamayaan Kabtan Sergio Ramos ayaa heshiis kordhin cusub ka dalbaday Kooxdiisa Real Madrid.

Wargeyska The Sun ayaa daabacay in Sergio Ramos uu heshiis cusub oo labo sanadood ah ka dalbaday kooxdiisa Real Madrid eek a dhisan caasimadda Spain.

Kabtanka xulka qaranka Spain ayaa doonaya inuu sii joogo garoonka Santiago Bernabeu ugu yaraan ilaa sanadka 2023-ka, laakiin Los Blancos ayaa kaliya doonaysa inay heshiiskiisa ku kordhiso hal sano oo dheeri ah.

Daafacan dhexe ee Ramos ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyey ee heshiiskiisa kooxda Real Madrid, waxaana uu dalbanayaan heshiis kordhin cusub oo labo sanadood ah, iyadoo ay jiraan warar xiddigan la xiriirinayay inuu u dhaqaaqo horyaalka Serie A.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close