Chelsea oo guul raaxo leh ka soo gaartay kooxda Burnley oo ay ku booqatay Turf Moor… +SAWIRRO

(Burnley) 31 Okt 2020.  Chelsea ayaa guul raaxo leh ka soo gaartay kooxda Burnley oo ay ku booqatay garoonkeeda Turf Moor, kulan ku dhamaaday 0-3, kaasoo qeyb ka ahaa horyaalka Ingiriiska.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Daqiiqadii 27-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Hakim Ziyech, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Tammy Abraham.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad Kurt Zouma ayaa dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda reer London ee Chelsea. iyadoo uu caawinta goolkan lahaa Mason Mount.

Chelsea ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu daqiiqadii 70-aad uu Timo Werner ka dhigay dheesha 0-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Chelsea kooxda Burnley oo ay ku booqatay garoonkeeda Turf Moor, Blues ayaana soo dagtay kaalinta 4-aad ee dhanka kala sarreynta horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close