RASMI: Juventus oo ku dhawaaqday in Cristiano Ronaldo uu ka bogsaday Korona Fayras

(Turin) 30 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay caawa in weeraryahankeeda reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu ka bogsaday caabuqa Korona Fayras.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayuu ku dhacay bishan caabuqa Korona Fayras, qiyaastii laba toddobaad ka hor.

Juventus ayaa warbixin rasmi ah ay ku shaacisay boggaga ay ku leedahay baraha bulshada sida Facebook, Instagram iyo Twitter, waxay ku xaqiijisay in Cristiano Ronaldo uu gabi ahaanba ka xuroobay caabuqa Korona Fayras.

Juventus ayaa xaqiijisay in baaritaanadii uu maray Cristiano Ronaldo lagu xaqiijiyay inay ka soo baxday natiijo fiican, maadaama uu ka xuroobay caabuqii Korona Fayras uu la xanuunsanaa labadii Isbuuc ee la soo dhaafay.

“Cristiano Ronaldo wuxuu sameeyay tijaabada Korona Fayras, maanta oo jimce ah”.

“Baaritaanka, waxaa ka soo baxday natiijo fiican, sidaas darteedna laacibku wuu soo kabtay 19 maalmood kadib, mana ku sii jiri doono go’doomin xagga guriga ah”.

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo ayaa qoraal uu ku soo qoray maanta boggagiisa baraha bulshada sida Facebook, Instagram iyo Twitter, wuxuu laabta ugu qaboojiyay Taageerayaashiisa, wuxuuna ku sheegay qoraalkiisa inuu ku jiro xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan xilligan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close