Muxuu ka yiri tababare Mikel Arteta kaddib guushii waynayd ay gaartay kooxdiisa Arsenal??

(Yurub) 30 Okt 2020.Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ammaanay waxqabadka ciyaartoydiisa kulankii ay la yeesheen naadiga reer Ireland ee Dundalk, kulankoodii labaad wareega Group-yada tartanka UEFA Europa League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa kaga adkaatay 3-0 kooxda Dundalk, iyaddo ay goolasha kaga mahad celineyso xiddigaha Edward Nketiah, Joseph Willock, iyo Nicolas Pepe.

Kulanka kaddib ayuu macalinka kooxda Arsenal ee Mikel Arteta la hadlay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid aha:

“Waan dulqaadanay, waxaan ciyaarnay ciyaar fiican tan iyo bilowgii ciyaarta, waxaan ku iri waa inaan cadaadino oo aan ku dagaalano kubadda”.

“Waxaan ciyaarnay ciyaar wanaagsan oo dhanka weerarka ah, waxayna soo bandhigeen ciyaar cajiib ah”.

‘Waxaan doonayay inaan ciyaartoyda dhigo boosas gaar ah, waana uga mahadcelinayaa wixii ay soo bandhigeen inta ay ciyaarta socotay”.

Si kastaba ha noqotee kooxda Arsenal ayaa ku hoggaamineysa GROUP B ee tartankan 6 dhibcood, kaddib markii ay guul gaartay labadii kulan ay soo ciyaartay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close