Kalidou Koulibaly oo ka hadlay arrinta ku saabsan suurtagalnimada uu kaga tagi karo kooxda Napoli

(Napoli) 30 Okt 2020. Difaaca reer Senegal iyo kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly suurtogalnimada ah inuu ka tagi karo naadiga reer Talyaani, maadaama uu xiiso ka helayo kooxo fara badan oo Yurub ah.

Kooxda Napoli ayaa la soo saxiixatay Kalidou Koulibaly xagaagii 2014, wuxuuna kaga soo biiray Genk adduun dhan 7.75 million euros, wuxuuna kaddib noqday xiddigaha ugu muhiimsan horyaalka Talyaaniga.

Magaca Kalidou Koulibaly ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Liverpool, inta lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, balse ugu dambeyntii wuxuu iska sii joogay kooxdiisa Napoli.

Kaddib dhaawacii ka soo gaaray Virgil van Dijk dhanka Jilibka Liverpool waxay si dhab ah ugu baahan tahay inay sameyso saxiixa daafac cusub, kaasoo ah Kalidou Koulibaly.

Haddaba sida laga soo xigtay shabakada “Sky Sports” Kalidou Koulibaly ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waan jeclahay Napoli, sidoo kale Napoli way i jeceshahay, waana taas waxa ugu muhiimsan’.

“Marwalba waxaan diyaar u ahay inaan ka qeyb galo kulamada kooxda, walina waxaan heystaa seddex sano oo ka harsan dhamaadka qandaraaskeyga, waxaana dareemayaa daganaan”.

Wax walba waxaan u sameeyaa kooxdeyda darteed, sababtoo ah waxaan doonayaa inaan dib u soo celiyo kooxdan, kaddibna waan arki doonaa waxa dhaca”.

Waxaa xusid mudan in Kalidou Koulibaly uu ka qeyb qaatay kooxdiisa Napoli ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan 5 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close