Frank Lampard oo shaaca ka qaaday sababta uu u maqnaa Thiago Silva kulankii Champions League

(London) 30 Okt 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa ka hadlay arrimo badan ee quseeya Blues, kahor kulankooda horyaalka Premier League ay bari ku wajahayaan naadiga Burnley.

Blues ayaa guul muhiim ah ku soo gaartay meel ka baxsan garoonkeeda kulankii ay la ciyaareen kooxda FC Krasnodar, kaasoo ka tirsanaa kulamada labaad wareega Group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan 2020/21.

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Frank Lampard ayaa yiri:

“Marka laga hadlayo kooxda, ma lihin wax dhaawacyo muuqda ah laakiin waxa jira xoogaa daal ah”.

“Waxaan soo laabanay xilli dambe, marka waxaan u baahanahay inaan qiimeyno xaalada ciyaartoyda maanta si aan u ogaano halka aan joogno”.

Waxaan halkaan uga tagay Thiago Silva mana uusan noo raacin Russia taxadar ahaan, wax intaas ka badan ma jiraan”.

“Waxaan kaliya isku dayeynaa inaan hubino awoodeena si aan u gaarno natiijooyinka la doonayo inta xilli ciyaareedka oo dhan, sidaas darteed waa inaan kulan walba si gooni ah ula macaamilnaa”.

“Waa macquul in Thiago Silva uusan ka qeyb qaadan maxaa yeelay mudadii ugu dambeysay wuxuu galay safarro badan isaga”.

Lampard iyo kooxdiisa ayaa booqan doona garoonka Turf Moor, waxayna doonayaan inay saddexda dhibcood ka soo qaataan naadiga Burnley, kaddib barbarihii ay la galeen Manchester United kulankii la soo dhaafay ee horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close