Kooxda AC Milan oo indhaha ku haysa mid ka mid ah bartilmaameedyada Liverpool… (Laacib ay doonaysay Reds oo u dhaqaaqi kara Talyaaniga)

(Yurub) 29 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa la soo warinayaa inay indhaha ku hayso inay la soo wareegto mid ka mid ah xiddigaha bartilmaameedka u ah Naadiga Liverpool.

Shabakadda ciyaaraha Gazzetta Dello Sport ee ka soo baxda Talyaaniga ayaa daabacday in kooxda kubadda cagta AC Milan ay indhaha la raacayso bartilmaameedka kooxda Liverpool ee Ozan Kabak.

Reds ayaa horay wadahadallo ula furtay 20 sano jirkaan, waxaana jirta suurtagalnimo ay kula wareegi karaan suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.

Yeelkeede, Kooxda AC Milan ayaa sidoo kale diyaar ah inay la xiriirto Kabak, kaasoo haatan lagu qiimeeyo adduun dhan 20 milyan oo gini oo u dhiganta 26 milyan oo dollar, waxaana haddii Milan ay heshiis la gaarto daafacan uu u dhaqaaqi karaa dalka Talyaaniga.

Schalke central defender Ozan Kabab is attracting plenty of interest from Europe's top clubs

Xiddigan Daafaca dhexe uga dheela Kooxda Schalke 04 ayaa waxaa saxiixiisa ku tartamaya kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaaradda Yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close