Barcelona, Chelsea, Man United, Juventus, Sevilla, PSG & Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono tartanka Champions League

(Yurub) 28 Okt 2020. Kulamo ka tirsan heerka Guruubyada ee tartanka Champions League ayaa lagu wadaa in caawa la ciyaaro, iyadoo kooxo waa weyn ay ka soo muuqan doonaan.

Kooxaha Barcelona, Chelsea, Manchester United, Juventus, Sevilla, PSG, Borussia Dortmund iyo kuwo kale ayaa ka mid ah kooxaha caawa ciyaari doonta tartanka Champions League.

Kulanka ugu weyn ee caawa la sugayo waa kulanka dhexmari doona Kooxaha Juventus iyo Barcelona, kaasoo loo arko inuu yahay kan ugu xiisaha badan heerka guruubyada Champions League kal ciyaareedka 2020/21.

Chelsea ayaa marti u noqonaysa kooxda yar ee FC Krasnodar, Man United ayaa dhankeeda soo dhoweynaysa naadiga RasenBallsport Leipzig, halka Paris Saint-Germain ay booqanayso Istanbul.

Haddaba Halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono guud ahaan tartanka Champions League & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

CHAMPIONS LEAGUE – GROUP E

08:55 Habeennimo FC Krasnodar vs Chelsea

11:00 Habeennimo Sevilla vs Rennes

CHAMPIONS LEAGUE – GROUP F

11:00 Habeennimo Borussia Dortmund vs Zenit St. Petersburg

11:00 Habeennimo Club Brugge vs Lazio

CHAMPIONS LEAGUE – GROUP G

11:00 Habeennimo Ferencvaros vs Dynamo Kyiv

11:00 Habeennimo Juventus vs Barcelona

CHAMPIONS LEAGUE – GROUP H

8:55 Habeennimo Istanbul Basaksehir vs Paris Saint-Germain

11:00 Habeennimo Manchester United vs RasenBallsport Leipzig

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close