RASMI: Josep Maria Bartomeu oo iska casilay xilka madaxtinimada ee Barcelona

(Barcelona) 27 Okt 2020. Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa ku dhawaaqay fiidnimadan Talaadada ah, inuu iska casilay xilkiisa, si uu uga jawaabo kaddib markii ay xubno badan oo maamulka kooxda ka tirsan ay bolaabay inay kalsoonida kala laabtaan.

Josep Maria Bartomeu ayaa maanta ku dhawaaqay kulan aan caadi aheyn, kaddib markii Golaha Gobolka Catalonia ay xaqiijiyeen in aysan jirin wax caqabad oo dhanka garsoorka iyo caafimaadka ah ee ku aadan in afti loo qaado si kalsoonida loogala laabto golaha hada jira.

Waxaa la go’aamiyay inuu jiri doonto gole ku meel gaar ah oo maareynaya arrimaha kooxda, oo uu madax u yahay Carlos Tusquets, oo ah madaxa guddiga dhaqaalaha iyo sharciga, wuxuuna ka shaqeyn doonaa in lagu qabto doorasho ugu badnaan muddo 3 bilood ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close