Miralem Pjanić oo doortay midka ugu fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo

(Barcelona) 27 Okt 2020. Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Bosnia iyo kooxda Barcelona ee Miralem Pjanić,​​ayaa doortay ciyaaryahanka ugu fiican xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Miralem Pjanić,​ ayaa nasiib u yeeshay inuu ka garab ciyaaro xddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo 15-kii sano ee la soo dhaafay si xoogan ugu soo dagaalamay kubadda cagta.

Pjanić ayaa isku diyaarinaaya kulanka uu habeen dambe ku wajahayo saaxiibadiis hore ee kooxda Juventus, kaasoo ka tirsan kulamada labaad ee wareega group-yada ee tartanka Champions League.

Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Bosnia ee Miralem Pjanić, ayaa wareysi uu bixiyay kahor ciyaarta habeen dambe ee Arbacada wuxuu ku sheegay:

“Waxay ii tahay sharaf weyn inaan ka garab ciyaaro Lionel Messi isla kooxda, waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubadda cagta oo dhan”.

“Kulanka bari wuxuu noqon doonaa mid adag, sababtoo ah labada kooxood waxay raadinayaan inay ku soo baxaan kaalinta koowaad ee group-ka, runtiina waa kulan ii gaar ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close