Kooxda Real Madrid oo markaan doonaysa Weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino & Reds oo bedelkiisa la soo wareegi karta

(Madrid) 27 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino bartilmaameed macquul ah inta lagu guda jiro dib u habeyntooda xagaaga ee sanadka soo socda.

Los Blancos ma aysan qarashgareynin hal dinaar intii lagu jiray suuqii xagaaga ee dhowaa, laakiin waxaa loo maleynayaa inay isku diyaarinayso mashquul 2021 marka laga hadlayo xagga kala iibsiga, iyadoo xiddigo ay ka mid yihiin Kylian Mbappe, Eduardo Camavinga iyo Erling Braut Haaland ay ka mid yihiin ciyaartoyda loo maleynayo inay ku jiraan liiska xulashada.

Warsidaha Spanish-ka ah ee Todofichajes ayaa daabacay in Firmino hada lagu daray liiskaas, Kooxda Liverpool-na ay ka fiirsan karto inay fasaxdo ciyaaryahanka reer Brazil.

Firmino ayaa xubin muhiim ah ka ahaa sare u kaca kooxda Liverpool ee hanashada Koobka horyaallada Yurub, koobka kooxaha Adduunka iyo koobabka gudaha, laakiin wuxuu dhaliyay kaliya sagaal gool oo Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Reds ayaa raadinaysa inay lacag ku hesho 29-sano jirkaan, iyadoo la isla dhexmarayo inay sidoo kale keeni karaan xiddig xagaaga soo aaddan, iyadoo Mbappe uu sidoo kale ka mid yahay kuwa la la xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo garoonka Anfield.

Real Madrid want Liverpool's Roberto Firmino?

Firmino ayaa ku soo biiray kooxda Liverpool sanadkii 2015-kii, waxaana uu dhaliyey tan iyo markaas 79 gool, isagoo abuuray in ka badan 62 fursadood kaddib 252 kulan oo uu u saftay kooxda Reds tartammada oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close