Ariedo Braida: “Barcelona waxa ay ii sheegtay in Erling Haaland uusan lahayn tayadii uu kaga ciyaari lahaa Camp Nou”

(Barcelona) 27 Okt 2020. Ariedo Braida oo ah lataliyihii hore Barcelona ee dhinaca xiddigaha dibadda ka ciyaara ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu ay u sheegay in Erling Haaland uusan lahayn tayadii uu kaga ciyaari lahaa Camp Nou.

Isagoo wargeysi siinayay Jariiradda Marca ee ka soo baxda dalka Spain, Ariedo Braida waxa uuu sheegay in kooxda Barcelona ay aaminsanayd in Haaland uusan ahayn nooca ciyaaryahan ee la jaanqaadi kara kubadda ay dheesho Barca.

Braida, kaasoo waqtigii uu ka shaqaynayay kooxda AC Milan garoonka San Siro keenay xiddigo badan oo waa weyn oo ay ka mid ahaayeen Ruud Gullit, Kaka, Andry Shevchenko, Thiago Silva iyo kuwo kale ayaa la weydiiyey sababta uu waqtigiisii Barcelona laacibiin waa weyn u keeni waayey sida AC Milan oo kale, waxaanu ku jawaabay:

“Aniga masuuliyaddaas ima aysan siinin, waxaanay ii direen shaqo kale, waxa aan darsayey xiddigaha kubadda cagta, waxaana u soo qoray magacyo sida Haaland oo Borussia Dortmund ah waqtigii uu ka ciyaarayay Norway.

“Balse waxay kooxdu igu tiri ‘Maya’ iyo in uusanba lahayn hab ciyaareedka kooxda Barcelona.

“Waxaa kale oo aan u soo bandhigay xiddigo Talyaani ah sida Nicolo Barella oo hadda Inter Milan ah iyo Nicolo Zaniola oo u ciyaara Roma, laakiin haddii aadan lahayn masuuliyadda aad shaqadaan ku qabanayso waxba ma qabanaysid.

“Waxaan iska ahaa mid go’doon ah.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ariedo Braida.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close