Muxuu ka yiri Tababare Mikel Arteta guuldarradii ay kala kulmeen Leicester City??

(London) 26 Okt 2020. Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa muujiyay sida uu ula yaabay go’aankii uu qaatay muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR, kaasoo lagu kansalay gool uu dhaliyay xiddiga Gunners ee Alexandre Lacazette, ciyaartii kooxdiisu ay la ciyaartay Leicester City.

Leicester City ayaa guul ka soo heshay kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonkeeda Emirates, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Sida uu shaaca ka qaaday wargeyska “Express” ee dalka Tababare Mikel Arteta ayaa ciyaarta kaddib wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waxaan abuurnay fursado badan waana dhalinay mana ogi sababta loo diiday”.

“Waxaan dareemay inaan gebi ahaanba xakameynay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaan u diidnay inay shaqo qabtaan”.

“Waxay u difaactameen si qoto dheer qeybtii labaad ee ciyaarta”.

“Dadaalka ay sameeyeen dhalinyarada, iyo cadaadiska ay saareen ciyaartoyda Leicester ma ahan wax fudud, laakiin waa inaan horumar sameynaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close