Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Borussia Mönchengladbach ee Champions League

(Madrid) 25 Okt 2020.Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee uga qeyb galaya kulanka Borussia Mönchengladbach ee tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.

Real Madrid ayaa Talaadada ku booqan doonto kooxda kubadda cagta Borussia Mönchengladbach garoonkeeda Borussia-Park, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Zinedine Zidane dib ugu soo laabtay xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard.

Laakiin waxaa liiskan 21 ciyaaryahan uu ku dhawaaqay macalinka reer France ka maqan xiddigaha kala ah, Mariano Diaz, Dani Carvajal, Nacho Fernandez, iyo Martin Odegaard.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka kulanka Borussia Mönchengladbach ee tartanka UEFA Champions League:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close