Waa kuma laacibka bartilmaameedka koowaad u ah haatan kooxda Liverpool?

(Liverpool) 25 Okt 2020. Waxa ay wargeysyadu hadal hayaan magaca ciyaaryahanka bartilmaameedka koowaad  u ah kooxda kubadda cagta Liverpool oo ay doonayso inay la soo wareegto.

Upamecano ayaa la soo warinayaa inuu noqday bartilmaameedka ugu sarreeya haatan ee kooxda Liverpool, kaasoo ay haatan u xiiso qabaan saxiixiisa.

Warsidaha Sunday World ayaa warinaya in daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano uu yahay haatan bartilmaameedka ugu sarreeya kooxda kubadda cagta Liverpool.

Reds ayaa suuqa kala iibsiga aad uga baadi doobaysa daafac dhexe kaddib markii uu dhaawac muddo dheer ah galay daafacooda joogga dheer ee Virgil van Dijk.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxda Liepzig ay dhegeysan doonto dalabyada u imaanaya ciyaaryahankeeda ee ka badan 40 milyan oo gini oo u dhiganta 44 milyan oo euro ama 52 milyan oo dollar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close