Leicester City oo saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Arsenal garoonkeeda Emirates … +SAWIRRO

(London) 25 Okt 2020. Leicester City ayaa guul ka soo heshay kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonkeeda Emirates, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Arsenal iyo Leicester City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 80-aad kooxda Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Jamie Vardy, kaddib markii uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay saaxiibkiis Cengiz Under.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Leicester City kooxda Arsenal oo ay ku booqatay garoonka Emirates, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close