Gabriel Magalhaes oo sheegay xiddiga ka tirsan Kooxda Arsenal ee door weyn ka ciyaaray inuu ku soo biiro Gunners

(London) 25 Okt 2020. Xiddiga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa shaaca ka qaaday in Nicolas Pepe uu door weyn ka ciyaaray go’aanka uu ugu soo biiray Gunners.

Macallin Mikel Arteta ayaa lacagtii uu suuqa ku bixiyey xagaagan, waxa uu kula soo wareegay xiddigaha Gabriel, Willian iyo Thomas Partey.

Bilow wanaagsan ayuu qaadanayaa macallinka reer Spain, kaasoo horay ugu ula qaaday Gunners FA Cup iyo Community Shield.

Wax badan ayaa hoos loo dhigay daafaca Arsenal oo lagu tilmaamay kuwa liita oo goolal laga dhaliyo isla markaana dhibco khasaariya, laakiin marka ay keensadeen Gabriel taageerayaasha Arsenal ayaa helay jawaabta dhibaatooyinkooda.

Daafaca reer Brazil ayaa waxaa wada doonayay kooxo badan oo ka mid ah kuwa yiri suuqii xagaaga, laakiin waxa uu doortay inuu u saxiixo kooxda uu hoggaamiyo macallin Arteta.

22-sano jirkaan ayaa qiray in Pep uu qeyb weyn ku lahaa go’aankiisa uu ugu soo biiray Gunners.

Labadaan ciyaaryahan ayaa si wada jir ah ugu soo ciyaaray Lille, iyadoo weeraryahanka reer Ivory Coast uu u soo dhaqaaqay Arsenal suuqii xagaaga markii ay kooxdu lacago rikoor ah ku soo qaadatay.

Isagoo la hadlayey Sky Sports daafaca reer Brazil ayaa yiri: “Waxaan la hadlay Pepe ka hor inta aanan dhaqaaqin.
“Waxaan weydiiyey sida ay ahayd kooxda.

“Dabcan waxa uu saameyn ku yeeshay go’aankeyga, waxa uu ahaa mid ka mid ah sababihii aan u go’aansaday inaan u soo dhaqaaqo Arsenal.

“Maxaa yeelay anigu waan la ciyaaray isaga.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close