Waa kuwee saddexda Kooxood oo wada doonaya inay bisha Janaayo la wareegaan daafaca Chelsea ee Emerson Palmieri?

(London) 24 Okt 2020. Saddex kooxood oo ka wada dhisan dalka Talyaaniga ayaa doonaya inay la wareegaan bisha Janaayo daafaca Chelsea ee Emerson Palmieri.

Kooxaha Juventus, Inter Milan iyo Napoli ayaa la soo warinayaa inay dhammaantood qorsheynayaan inay bisha Janaayo la saxiixdaan daafaca naadiga Chelsea ee Emerson Palmieri.

Inkastoo la filayay inuu baxo suuqii xagaaga haddana ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa ku nagaaday garoonka Stamford Bridge qeybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Yeelkeede, 26-sano jirkaan ayaa sii joogteynaya dalabkiisa ah inuu baxo garoonka Stamford Bridge, waxaa la filayaa inuu ka tago kooxda Blues bilowga sanadka 2021-ka.

Si kastaba ha noqotee, shabakadda Sky Italia ayaa warinaysa in saddexda kooxood ee waa weyn ee ka dhisan horyaalka Serie A ay ka fiirsanayaan inay Emerson dib ugu celiyaan horyaalka Talyaaniga.

Inkastoo ay Chelsea amar ku bixin doonto lacag aad u fara badan oo ay ku dalbanayso xiddigan, haddana qandaraaska Emerson wuxuu dhacayaa sanadka 2022-ka, taasoo ah arrin la tixgelin doono inta lagu jiro wadahadallada.

Kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ayaa laga yaabaa inay diyaar u tahay inay aqbasho heshiis amaah ah oo ay waajib ku tahay inay iibsadaan xagaaga soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close