Real Madrid oo guul ay u qalantay ka soo heshay Barcelona kulankii la wada sugayay ee El Clásico… +SAWIRRO

(Barcelon) 24 Okt 2020. Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay Barcelona kulankii la wada sugayay ee El Clásico, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Barcelona iyo Real Madrid.

Daqiiqadii 5-aad kooxda martida aheyd ee Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana -0-1 ka dhigay Federico Valverde, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Karim Benzema.

Laakiin daqiiqadii 8-aad kooxda Barcelona ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay da’ayarka reer Spain ee Ansu Fati, waxaana goolkan ka caawiyay Jordi Alba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 63-aad kooxda Real Madrid ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay kabtanka kooxda ee Sergio Ramos, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-2 ay ku hoggaamineysay Los Blancos.

90 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd kooxda Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, kaddib markii uu 1-3 ka dhigay Luka Modric

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-3 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Barcelon oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kulankan ayaana  qeyb ka ahaa Isbuuca Lixaad horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

#ElClásico

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close