Man United, Man City, Chelsea, Liverpool, Barcelona, Real Madrid, Inter, Bayern Munich & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaarayo shanta horyaallada ee ugu waa weyn Yurub

(Yurub) 24 Okt 2020. Kulamo ka tirsan horyaallada waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ka mid ah Premier League, La Liga, Serie A, Ligue 1 iyo Bundesliga dalka Jarmalka.

Kooxaha Man United, Man City, Chelsea, Liverpool, Barcelona, Real Madrid, Inter, Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha waa weyn ee maanta illaa caawa ciyaari doona horyaalladooda.

Horyaalka Premier League kulanka ugu weyn ee la sugayo waa midka garoonka Old Trafford ku dhex mari doona kooxaha Man United iyo Chelsea, sidoo kale horyaalka kooxaha waa weyn ee ciyaarta waxaa ka mid ah Manchester City iyo Liverpool oo la kala dheeli doona West Ham United iyo Sheffield United.

Dhinaca kale horyaalka La Liga isaga waxaa maanta la sugayaa kulanka El Clasico ee garoonka Camp Nou ku dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, halka Atletico Madrid ay soo dhoweynayso Real Betis.

Horyaalka Serie A kulammada ugu madaxa fiiqan waxaa ka mid ah midka ay Inter Milan ay u safreyso Genoa iyo kan kooxaha Lazio ay soo dhoweynayso Bologna.

Geesta kale horyaalka Bundesliga Jarmalka ayaa la ciyaarayaa isagana, Iyadoo Bayern Munich ay soo dhoweynayso Eintracht Frankfurt iyo midka ay Borussia Dortmund qaabilayso Schalke 04, halka horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska isagana kulamo ka tirsan la ciyaari doono, waxaana ka mid ah midka ay caawa kooxaha Paris Saint-Germain marti-gelinayso Dijon.

Haddaba Halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono guud ahaan horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub & Saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

02:30 Duhurnimo West Ham United vs Manchester City

05:00 Galabnimo Fulham vs Crystal Palace

07:30 Habeennimo Manchester United vs Chelsea

10:00 Habeennimo Liverpool vs Sheffield United

SPAIN – LALIGA SANTANDER

05:00 Galabnimo Barcelona vs Real Madrid

07:30 Habeennimo Osasuna vs Athletic Bilbao

07:30 Habeennimo Sevilla vs Eibar

10:00 Habeennimo Atletico Madrid vs Real Betis

GERMANY – BUNDESLIGA

04:30 Galabnimo Bayern Munich vs Eintracht Frankfurt

04:30 Galabnimo Mainz 05 vs Borussia Moenchengladbach

04:30 Galabnimo RasenBallsport Leipzig vs Hertha Berlin

04:30 Galabnimo Union Berlin vs Freiburg

07:30 Habeennimo Borussia Dortmund vs Schalke 04

ITALY – SERIE A

04:00 Galabnimo Atalanta vs Sampdoria

07:00 Fiidnimo Genoa vs Inter Milan

09:45 Habeennimo Lazio vs Bologna

FRANCE – LIGUE 1

06:00 Maqribnimo Lorient vs Marseille

10:00 Habeennimo Paris Saint-Germain vs Dijon

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close