Liverpool oo garoonkeeda Anfield saddexda dhibcood kaga qaaday kooxda Sheffield United… +SAWIRRO

(Liverpool) 24 Okt 2020. Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield saddexda dhibcood kaga qaaday kooxda Sheffield United, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan qeyb ka ahaa Isbuuca Shanaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen kooxaha Liverpool iyo Sheffield United.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Sheffield United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool u badelay Sander Berge rigoore kooxdiisa loo dhigay.

Laakiin daqiiqadii 44-aad Liverpool ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta xiddiga reer Brazil ee Roberto Firmino.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 2-1 ka dhigay xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1 ay Liverpool kaga adkaatay kooxda Sheffield United oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, kaddib markii ay wada ciyaareen kulan xiiso badan oo qeyb ka ahaa Isbuuca Shanaad ee horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close