Lionel Messi oo hoggaaminaya xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliyey kulanka El Clasico… (Kaalintee ayuu ka soo muuqday Cristiano Ronaldo?)

(Barcelona) 24 Okt 2020. Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa galabta oo Sabti ah qaadan doona kulankoodii ugu horreeyey El Clasico xilli ciyaareedkan 2020-21, waxaana labada kooxood ay doonayaan inay dib uga soo kabsadaan guuldarrooyinkii ugu dambeeyey ee soo gaaray horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa khasaaro 1-0 kala soo kulantay Getafe oo ay booqatay kulankeedii ugu dabeeyey horyaalka, halka kooxaha xafidanaysa horyaalka ee Madrid ay guuldarro lama filaan ay ku soo gaatay garoonkeeda kaddib markii ay soo dhoweeyeen kooxda ku cusub horyaalka ee Cadiz.

Kani waxa uu noqon doonaa kulankii 245-aad ee u dhexeeya kooxaha waa weyn ee reer Spain Barcelona iyo Real Madrid, waxayna si la yaab leh u diiwaan geliyeen min 96 guulood.

Haddaba waxaan halkaan ku eegi doonnaa xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliyey kulankan loo garan ogyahay El Clasico ee dhex mara Real Madrid iyo Barcelona.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa hoggaaminaya oo ah xiddigaha ugu goolasha badan kulanka El Clasico, waxaana uu ka dhaliyey 26 gool.

Halyayga Real Madrid ee Alfredo Di Stéfano iyo Cristiano Ronaldo ayaa ku wada jira kaalinta labaad waxaana ay labaduba kulankan ka dhaliyeen min 18 gool.

Raúl González ayaa isaguna ka soo muuqday kaalinta saddexaad kaddib markii uu El Clasico ka dhaliyey 15 gool.

Halyeygii kooxda Barcelona ee César Rodríguez, kuwa Real Madrid ee Gento iyo Puskas ayaa ku wada jira kaalinta afaraad ee xiddigaha ugu goolasha badan kulanka El Clasico waxaana ay ka dhaliyeen saddexdoodba min 14 gool.

Kaalinta shanaad waxaa ka soo muuqday xiddigii hore ee Los Blancos ee Santillana, kaasoo kulankan ka dhaliyey 12 gool, halka booska lixaad uu ku jiro weeraryahankii hore ee Barcelona, Suarez kaasoo kulankan El Clasico ka dhaliyey 11-gool.

Haddaba sawirkan hoose dushiisa ka eeg sida xiddigaha labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ugu kala goolal badan yihiin kulankan xiisaha leh ee El Clasico:-

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close