Kooxaha West Ham United iyo Manchester City oo barbaro ku kala baxay… +SAWIRRO

(London) 24 Okt 2020.  Kooxaha West Ham United iyo Manchester City ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay, kaddib kulan xiiso badan ay ku wada ciyaareen London Stadium, kaasoo qeyb ka ahaa kulamada Isbuuca 5-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee West Ham United.

Daqiiqadii 18-aad kooxda West Ham United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Michail Antonio, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Vladimir Coufal.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad kooxda Manchester City ayaa heshay goolka barbardhaca waxaana dheesha 1-1 ka dhigay Phil Foden oo badel ku soo galay ciyaarta, kaddib markii uu caawin ka helay Joao Cancelo.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood, kaddib ciyaar xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka London Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close