Kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo barbaro ku heshiiyay… +SAWIRRO

(Manchester) 24 Okt 2020. Kulankii xiisaha badnaa la wada sugayay horyaalka Premier League ee kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa ku dhamaaday barbardhac 0-0 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 0-0 ah ay isku mari waayeen labada kooxood Manchester United iyo Chelsea.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 0-0 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Man United iyo Chelsea, kaddib ciyaar xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close