Horudhac: West Ham vs Man City… (Sky Blue oo u safreysa London & Hammers oo doonaysa inay sii wadato guuldarro la’aanteeda xiriirka ah ee Premier League)

(London) 24 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta West Ham United ayaa soo dhoweynaysa Manchester City maanta oo Sabti ah, xilli kooxda reer London ay doonayso inay kordhiso guuldarro la’aanteeda xiriirkaah ee Premier League.

Hammers ayaa waqti qurux badan qaadanaysa xilli todobaadkan ay soo dhoweynayaan Sky Blue, iyadoo aan laga adkaan saddex kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League.

Kulankan ayaa baasmi doona iyadoo kooxda West Ham United ay ka sarreyso Man City markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso sanadkii 2009-kii.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti 24 Okt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 02:30 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: London Stadium

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararka Kooxaha:-

Saxiixa cusub ee West Ham, Said Benrahma ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo bedellada.

Michail Antonio ayaa diyaar ah inkastoo looga saaray kulankii Tottenham si taxadar ah, halka weeraryahanka kale ee Sebastien Haller uu soo laabtay kaddib dhaawac uu la maqnaa.

Laacibka khadka dhexe ee Manchester City, Fernandinho ayaa maqnaan doono muddo afar todobaad ah kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii ay wajaheen Porto.

Kevin de Bruyne iyo Aymeric Laporte ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda Man City, laakiin tababare Pep Guardiola ma sheegi doono hadii ay ka qayb qaadanayaan kulankan.

Nathan Ake ayaa sidoo kale soo laaban kara, laakiin Gabriel Jesus iyo Benjamin Mendy ayaa maqnaan doona.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Man City ayaa guuleysatay 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahaday kooxda West Ham tartammada oo dhan.

>- Kooxda Man City ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay meel ka baxsan garoonkeeda kula soo ciyaartay West Ham tartammada oo dhan.

>- West Ham ayaa dhaliyey ugu yaraan saddex gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen horyaalka Premier League.

>- Man City ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay shank a mid ah lixdeedii kulan ee ay booqdeen oo ay marti u ahaayeen West Ham United tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close