Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Kooxdiisa Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Barcelona ee El Clasico

(Madrid) 23 Okt 2020.Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee uga qeyb galaya kulanka El Clasico oo ay bari ku booqan doonaan kooxda Naadiga Barcelona garoonka Camp Nou.

Real Madrid ayaa bari ku booqan doonto kooxda kubadda cagta Barcelona garoonkeeda Camp Nou, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Zinedine Zidane hoggaaminaya kabtanka kooxda ee Sergio Ramos.

Laakiin waxaa liiskan 20 ciyaaryahan uu ku dhawaaqay macalinka reer France ka maqan xiddigaha kala ah, Eden Hazard, Dani Carvajal, iyo Martin Odegaard.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka adag ee El Clasico:-

صورة

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close