Ronald Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Kooxdiisa Barcelona uga qeyb galaya kulanka Real Madrid ee El Clasico

(Barcelona) 23 Okt 2020. Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee uga qeyb galaya kulanka El Clasico oo ay bari ku soo dhaweyn doonaan kooxda Real Madrid garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa bari ku soo dhaweyn doonto kooxda kubadda cagta Real Madrid garoonkeeda Camp Nou, waxaana liiska uu ku dhawaaqay macallin Koeman hoggaaminaya kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Jordi Alba ayaa ku soo laabtay liiska kooxda Barcelona kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawicii soo gaaray mudadii ugu dambaysay.

Laakiin waxaa wali liiskan ka maqan xiddigaha kala ah, Samuel Umtiti iyo goolhaaye Marc-Andre ter Stegen.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha Barcelona uu ku dhawaaqay tababare Ronald Koeman, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka adag ee El Clasico:-

صورة

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close