Marco Asensio oo shaaca ka qaaday sababta uu Real Madrid kaga doorbiday Barcelona

(Madrid) 23 Okt 2020. Xiddiga reer Spain iyo kooxda Real Madrid ee Marco Asensio ayaa shaaca ka qaaday inuu xiiso ka helay naadiga ay hadda xilfaltamaan ee Barcelona, markii uu ku sugnaa kooxdiisii ​​hore ee Real Mallorca, laakiin ugu dambeyntii wuxuu doortay inuu xirto maaliyada cadaanka ah ee Los Blancos.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Marco Asensio, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u ciyaari lahaa Barcelona, laakiin xiisihii layaabka lahaa ay xilli hore ii muujisay Real Madrid inaan go’aansado”.

“Suuragal ma ahan in maya la yiraahdo Real Madrid”.

“Waxaa jiray kooxo badan oo muujiyay xiisaha ay u qabaan adeegeyga, laakiin hamigeygu waa inaan sii joogo Real Madrid. oo halkan guulo ku gaaro”.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay inay hesho saxiixa Marco Asensio sanadkii 2015 kahor inta aysan amaah ku siin naadiga Espanyol hal xilli ciyaareed, wuxuuna u ciyaaray kooxda 149 kulan tartamada oo dhan ah, wuxuu dhaliyay 30 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 20 gool kale oo ay dhaliyeen saaxiibadiisa.

Dhinaca kale Marco Asensio ayaa kula guuleystay Real Madrid laba koob oo Champions League ah, labo horyaalka La Liga ah, Spanish Super Cup oo hal jeer ah, saddex koobka kooxaha adduunka ee FIFA Club World Cup ah, iyo UEFA Super Cup oo labo jeer ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close