Hakim Ziyech oo cadeeyay waxa uu u baahan yahay Van de Beek si uu ula qabsado Man United

(London) 23 Okt 2020. Xiddiga reer Morocco iyo kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa ammaanay saaxiibkiis hore naadiga Ajax haddana ka tirsan safka Manchester United ee Donny van de Beek.

Hakim Ziyech wuxuu carabka ku adkeeyay qiimaha weyn uu leeyahay Donny van de Beek, isagoo ka codsaday inuu dulqaad ku muujiyo garoonka Old Trafford, si uu ula qabsado jawiga cusub.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Hakim Ziyech, waxaana hadaladisa ka mid ahaa:

“Waxaan lahadalnay bilowgii markuu udhaqaaqay magaalada Manchester, Isbuucyadii lasoo dhaafay waxbadan lama hadlin, mana ka hadlin wax ku saabsan booskiisa”.

“Waxaan u maleynayaa inuu sidoo kale u baahnaan doono waqti, waxaad ka timid wadan kale, iyo qaab ciyaareed ka duwan, dabcan waan ogahay inay waqti qaadanayso in wax walba lala qabsado”.

“Waan ogahay hubaashi inuu Van de Beek u keeni doono tayo kooxda, isagana waxa ugu muhiimsan waa inuu is dajiyo”.

Hadalka Hakim ayaa wuxuu imaanayaa kahor kulanka Manchester United iyo Chelsea ee Sabtida ka dhici doono garoonka Old Trafford ee magaalada Manchester, kaasoo qeyb ka ah kulamada horyaalka Premier League ee xulli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close