Maxay ka dhigan tahay guushii ay kooxda Liverpool xalay ka soo gaartay Ajax?

(Amsterdam) 22 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul dirqi ah xalay ka soo gaartay naadiga reer Holland ee Ajax oo ay booqatay.

Kulankan oo qeyb ka ahaa heerka guruubyada Champions League gaar ahaan Guruubka D ayay kooxda reer England kaga soo adkaatay Ajax 1-0.

Goolkaas waxa uu ahaa mid uu iska dhaliyey xiddiga kooxda Ajax ee Nicolás Tagliafico daqiiqaddii 35-aad.

Haddaba maxay ka dhigan tahay guushaas ay kooxda Liverpool xalay ka soo gaartay Ajax?

>- Tan iyo markii ay guuldarro 1-5 ka soo gaartay Ajax oo ay wajaheen bishii December ee sanadkii 1966-kii, Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah 13 kulan oo ay la ciyaartay kooxaha reer Holland tartammada Yurub, waxaana Reds ay muddadaas ka heshay kooxaha Dutch 8 guul iyo 5 barbaro.

>- Sidoo kale waxa ay guushii xalay ee Reds ka dhigan tahay in Liverpool ay shabaqeeda gool ka ilaashatay muddo lix kulan ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close