Luka Modric: “Bandhigga Real Madrid uma qalmin Champions League”

(Madrid) 22 Okt 2020. Laacibka khadka dhexe ee Real Madrid, Luka Modric ayaa ka hadlay bandhiggii liitay ee kooxdiisa ay soo bandhigtay kulankii xalay ee Champions League.

Luka Modric waxa uu xusay in bandhiggii Real Madrid uusan u qalmin in lagala soo muuqdo tartanka Champions League, isagoo sidoo kale tababare Zinedine Zidane ku raacay in kooxda ay kalsooni darro ka muuqatay intii lagu guda jiray kulankii ay guuldarrada 3-2 kala kulmeen Shakhtar Donetsk.

Inkastoo ay Los Blancos horumar samaysay intii lagu jiray qaybtii dambe ee ciyaarta, iskuna dayday in saddex gool oo laga dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta ay ka soo kabsadaan qeybtii labaad, haddana ma dhicin oo waa laga adkaaday, waxaana ay kooxda caasimadda Spain ka dhisan sidaasi ku qaadatay guuldarradii ugu horreeysay kulankoodii ugu horreeyay ee wareegga group-yada Champions League kal ciyaareedkan.

Modric oo shaashadda soo galay waxyar kaddib markii dib loo bilaabay ciyaarta qeybtii labaad ayaa saxaafadda u sheegay ciyaarta kaddib in kooxda caasimadda Spain ka dhisan ee Real qaab ciyaareedka ay soo bandhigtay uusan u qalmin tartanka Koobka horyaallada Yurub.

Real Madrid vs Shakhtar: Modric: Real Madrid weren't at the races in the first half | MARCA in English

35-sano jirkaan ayaana yiri: “Qeybtii hore ma aanan u qalmin tartankan, waa iska cadahay inaan u baahannahay inaan horumar sameyno, kalsooni darro ayaa naga muuqatay maanta gaar ahaan qeybtii hore, laakiin waa inaan hore u soconaa, ma awoodno inaan waqti isaga lumin annagoo ka qoomameynayna wixii dhacay.”

Guuldarradii xalay soo gaaray Los Blancos ayaa timid afar maalmood kaddib markii kooxda xafidanaysa horyaalka La Liga ay guuldarro lama filaan ah kala kulantay Cadiz.

Yeelkeede, Real Madrid waxa ay kulankeeda soo aaddan la ciyaari doontaa Sabtida naadiga Barcelona, waana kulanka loo garan ogyahay El Clasico.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close