Arsenal, Milan iyo Tottenham oo guulo gaaray & dhamaan natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray UEFA Europa League … +SAWIRRO

(Yurub) 22 Okt 2020. Waxaa caawa la daah furay kulamada heerka group-yada ee tartanka UEFA Europa League, xilli ciyaareedkan 2020/21 iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen Arsenal, Napoli, Tottenham Hotspur iyo AC MIlan.

Kooxda AC Milan ayaa caawa guul gaartay, kaddib markii ay kaga adkaatay naadiga Celtic 1-3, kulankooda koowaad heerka group-yada ee tartanka UEFA Europa League, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaheeda kala ah Rade Krunic, Jens Petter Hauge iyo Brahim Diaz.

Dhinaca kale Kooxda Leicester City ayaa guul muhiim ah kaga daah furatay tartanka UEFA Europa League xilli ciyaareedkan 2020/21, kaddib markii ay kaga adkaatay naadiga Zorya 3-0, waxaana goolasha u kala dhaliyay, James Maddison, Kelechi Iheanacho iyo Harvey Barnes.

Dhankeeda Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Rapid Wien, , kaddib markii ay kaga adkaatay 1-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay David Luiz iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

Si la mid ah Tottenham Hotspur ayaa guul ay u qalantay kaga daahfuratay kulankeeda koowaad heerka group-yada ee tartanka UEFA Europa League, kaddib markii ay naadiga LASK ku garaacday 3-0, xilli Spurs-ka ay goolasha ka heshay Lucas Moura, Heung-Min Son iyo gool uu iska dhaliyay Andres Andrade.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii caawa lagu daah furay heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee UEFA Europa League:

GROUP A

PFC CSKA-Sofia 0 – 2 CFR Cluj

Young Boys 1 – 2 Roma

GROUP B

Dundalk 1 – 2 Molde

Rapid Wien 1 – 2 Arsenal

GROUP C

Bayer Leverkusen 6 – 2 Nice

Hapoel Beer Sheva 3 – 1 Slavia Prague

GROUP D

Lech Poznan 2 – 4 Benfica

Standard Liege 0 – 2 Rangers

GROUP E

PAOK Thessaloniki FC 1 – 1 Omonia Nicosia

PSV Eindhoven 1 – 2 Granada

GROUP F

Rijeka 0 – 1 Real Sociedad

SSC Napoli 0 – 1 AZ Alkmaar

GROUP G

Leicester City 3 – 0 Zorya

SC Braga 3 – 0 AEK Athens

GROUP H

Celtic 1 – 3 AC Milan

Sparta Prague 1 – 4 Lille

GROUP I

Maccabi Tel Aviv 1 – 0 Qarabag FK

Villarreal 5 – 3 Sivasspor

GROUP J

Ludogorets Razgrad 1 – 2 Royal Antwerp

Tottenham Hotspur 3 – 0 LASK

GROUP K

Dinamo Zagreb 0 – 0 Feyenoord

Wolfsberger AC 1 – 1 CSKA Moscow.

GROUP L

Hoffenheim 2 – 0 FK Crvena Zvezda

Slovan Liberec 1 – 0 Gent.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close