Antoine Griezmann oo jawaab kulul siiyey Wargeys caan ah oo cunsuriyeeyay Ansu Fati

(Barcelona) 22 Okt 2020. Antoine Griezmann ayaa jawaab kulul siiyey Wargeys caan ka ah dalka Spain, kaasoo fal cunsurinimo ah kula kacay xiddiga ay kooxda Barcelona ka wada tirsan yihiin ee Ansu Fati.

Xiddiga reer France ee Griezmann ayaa ka jawaab celiyey warbixin uu daabacay Wargeyska Spain ka soo baxa ee ABC, taasoo uu kaga hadlayey guushii 5-1 ee ay kooxda Barcelona ka gaartay naadiga Ferencvaros, iyadoo bandhigga goolashana uu qeyb ka ahaa Ansu Fati.

Waxaa warbixinta uu Wargeyskani qoray ku dhex jirtay jumlad cunsurinimo xambaarsan oo ay ku qeexeen xiddigan da’da yar ee Barcelona, iyagoo adeegsanaya midibka maqaarkiisa, waxaana ay warbixinta ku sheegeen in xiddigani uu soo xusuusiyey nin madow oo waddooyinka wax ku iibiya, kaasoo carara marka uu Booliska arko.

Taasi waxa ay keentay in saaxiibkiisa ay ka wada tirsan yihiin Barcelona ee Griezmann uu hoosta ka xariiqo qoraalkaas cusurinimada ah, isla markaana uu soo dhigo bartiisa Twitter-ka isagoo si xoog lehna u cambaareeyey.

Waxaana Griezmann uu qoraalka Wargeyska ee uu hoosta ka xariiqay soo raaciyey qoraal uu isagu qoray oo u dhignaa: “Ansu waa wiil cajiib ah, kaasoo u qalma in loo ixtiraamo bani’aadam ahaan, maya ku dheh cunsuriyadda iyo akhlaaq xumada”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close