Man United, Juventus iyo Barcelona, oo guulo gaaray iyo dhamaan natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray Champions League… +SAWIRRO

(Yurub) 20 Okt 2020. Waxaa caawa la daah furay kulamada heerka group-yada ee tartanka UEFA Champions League, xilli ciyaareedkan 2020/21 iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen Juventus, Machester United, Barcelona iyo Paris Saint-Germain.

Kooxda Juventus ayaa caawa guul gaartay la’aanta Cristiano Ronaldo, kaddib markii ay kaga adkaatay naadiga Dynamo Kyiv 0-2, kulankooda koowaad heerka group-yada ee tartanka UEFA Champions League, waxaana goolasha u dhaliyay weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata.

Dhinaca kale Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah kaga daah furatay tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan 2020/21, kaddib markii ay kaga adkaatay naadiga Ferencvaros 5-1, waxaana goolasha u kala dhaliyay, Lionel Messi, Ansu Fati, Philippe Coutinho, Pedri iyo Ousmane Dembele.

Dhanka kale Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Paris Saint-Germain, kulankii la wada sugayay, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii caawa lagu daah furay heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League:

GROUP E

Chelsea 0 – 0 Sevilla

Rennes 1 – 1 FC Krasnodar

GROUP F

Zenit St. Petersburg 1 – 2 Club Brugge

Lazio 3 – 1 Borussia Dortmund

GROUP G

Dynamo Kyiv 0 – 2 Juventus

Barcelona 5 – 1 Ferencvaros

GROUP H

Paris Saint-Germain 1 – 2 Manchester United

RasenBallsport Leipzig 2 – 0 Istanbul Basaksehir.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close