“Lionel Meesi waa kan ugu fiican adduunka” – Lautaro Martínez

(Milano) 20 Okt 2020.  Gooldhaliyaha reer Argantina iyo kooxda Inter Milan ee Lautaro Martínez ayaa ammaanay kabtanka naadiga Barcelona ee Lionel Messi, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay kan ugu fiican adduunka.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Lautaro Martínez, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Horey ayaan u sheegay taas, hada iyo mustaqbalkana waan ku celinayaa, Messi waa kan ugu fiican adduunka”.

“Sida ay aniga ila tahay, isaga wuxuu ku jiraa heer kale, wuxuu ciyaarta u fahmaa qaabab kala duwan, mar walba wuxuu ka sareeyaa qof walba oo kale” ayuu yiri Lautaro Martínez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close