Manchester United oo indhaha ku haysa inay la soo wareegtay laacib dheemman ka ah Kooxda Real Madrid

(Manchester) 19 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa la soo warinayaa inay indhaha ku hayso saxiixa mid ka mid ah xiddigaha dheemmanka ka ah naadiga Real Madrid.

Man United ayaa tallaabo u qaaday xiisahooda laacibka khadka dhexe ee Real Madrid, Federico Valverde, sida uu warinayo Wargeyska The Sun.

22-sano jirkaan reer Uruguay kaasoo boos joogto ah ka helay kooxda koowaad oo ku dhisan garoonka Bernabeu ee uu hoggaamiyo Tababare Zinedine Zidane ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa adduun dhan 640 milyan oo gini.

Xiddigan ayaa la rajeynayaa inuu leeyahay mustaqbal ifaya, Man United ayaana la sheegay inay il gaar ah ku eegeyso horumarkiisa kaddib qaab ciyaareedyo taxane ah oo uu ku soo bandhigtay Los Blancos xilli ciyaareedkii hore.

Paul Pogba oo dhawaan qirtay riyadiisa ah inuu u ciyaaro kooxda reer Spain ayaa loo isticmaali karaa inuu ka mid noqdo heshiis kasta oo suurtagal ah oo ay Man United ku soo qaadan karto Valverde.

Man Utd to consider Federico Valverde and Paul Pogba swap with Real Madrid  - dossieroutpost.com

Yeelkeede, looma badinayo inay kooxda Real Madrid yeeli doonto inay ka iibiso Valverde kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close