Liverpool oo xaqiijisay inuu qallin mari doono Virgil Van Dijk & Reds oo loogu baaqay inay la soo wareegaan xiddig u buuxiya booskiisa

(Liverpool) 19 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay in daafaceeda Virgil Van Dijk uu qalliin mari doono kaddib dhaawacii dhowaan soo gaaray.

Inkastoo aysan Reds shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu Virgil Van Dijk garoomada ka maqnaan doono haddana waxaa la filayaa in muddo dhowr bilood ah uu garoomada seegi doono daafaca reer Holland.

Wargeysyada qaarkood ayaaba warinaya in xilli ciyaareedkii Virgil Van Dijk uu soo dhammaaday oo uusan kal ciyaareedkan markale u safan doonin kooxda Reds.

Haddaba halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ugu baaqay kooxda ka arrimisa garoonka Anfield inay la soo saxiixdaan xiddig daafac ah oo u buuxiya booska Van Dijk.

Jamie Carragher ayaa ugu yeeray kooxda Liverpool inay la soo saxiixdaan daafaca bisha Janaayo kaddib dhaawaca muddada dheer ee uu galay Virgil van Dijk.

“Waxaan u maleynayaa in Liverpool xaqiiqdii ay tahay inay suuqa gasho bisha Janaayo, kaliya ma’ahan dhaawaca Van Dijk, laakiin Liverpool waxay ku liidatay aaggaas si kastaba,” ayuu Carragher Axaddii u sheegay Sky Sports.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close