Kooxda Liverpool oo xiiseynaysa saxiixa xiddig ka tirsan naadiga Leeds United… (Booskee ka ciyaaraa?)

(Liverpool) 19 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay xiiseynayso saxiixa laacib ka tirsan naadiga Leeds United, kaasoo ka mid ah xiddigaha wacdaradaha ka dhigaya horyaalka Premier League.

Liverpool iyo Tottenham ayaa labaduba xiiso u muujinaya saxiixa laacibka khadka dhexe ee Kooxda Leeds United ee Kalvin Phillips, sida wararku ay sheegayaan.

Dalab ku kacaya 50 milyan oo gini ayaa laga yaabaa in loo baahdo si loo helo xiddiga heerka caalami ee dalka England, kaasoo u ciyaara kooxda Yorkshire ee Championship-ka ka ciyaari jirtay balse markale toddobaadyadii ugu horreeyay u soo dallacday horyaalka Premier League.

Promoted stars: Phillips the main man for Leeds

24-sano jirkaan ayaa ka mid ahaa xiddigihii garoonka ku soo bandhigay waxqabad muuqda xilli Leeds ay 4-3 kaga soo baxday garoonka Anfield maalintii furitaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, markaasoo Reds ay gool xilli dambe ah ku baxsatay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close