Halkee ayuu marayaa heshiiskii ay Kooxda Barcelona ku doonaysay inay kula wareegto xiddiga Liverpool ee Gini Wijnaldum?

(Barcelona) 19 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto saxiixa laacibka khadka dhexe ee Liverpool Gini Wijnaldum, kaasoo ay doonayso inay la soo wareegto suuqa bisha Janaayo ee soo aaddan.

Xiddiga reer Holland waxaa soo maamulay macallinka Blaugrana ee Ronald Koeman marka loo eego heerka caalami ee qarankiisa, haddana waxa uu mudnaanta siinayaa hoggaamiyaha Barcelona inuu laacibkan markale kula midoobo garoonka Camp Nou.

Wijnaldum ayaa qandaraaskiisa garoonka Anfield waxa uu dhacayaa xagaaga soo socda, waxaana lagu heli karaa qaab bilaash ah, markaa taa bedelkeeda kooxda Reds ayaa raadinaysa inay lacag ku hesho saxiixa xiddigan bisha Janaayo.

Inuu kooxda Liverpool ku soo biirayThiago Alcantara bishii la soo dhaafay ayaa laga yaabaa inay soo dedejisay bixitaanka ciyaaryahankii hore khadka dhexe ee Kooxda Newcastle United.

Barcelona prepare Gini Wijnaldum transfer swoop to free up Liverpool for  £27m Thiago move | Football | Sport | Express.co.uk

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close