Horudhac: Inter Milan vs AC Milan… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Derby della Madonnina)

(Milan) 17 Okt 2020. Kulanka Taariikhiga ah ee Derby della Madonnina ayaa caawa ka qabsoomaya garoonka Giuseppe Meazza, halkaasoo ay isku qaban doonaan kooxaha isku magaalada ah ee Inter Milan iyo AC Milan.

Kulankan ka qabsoomaya garoonka caanka ah ee ay wadaagaan labada kooxood ee magaalada Milan ku xafiiltama ayaa la soo sheegayaa in dhowr ciyaaryahan ay ku seegayaan KOFID 19 awgii, waxaana xiddigaas ka mid ah laacibka reer England ee garabka ka dheela Ashley Young.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Italy – Serie A

Taariikhda: Sabti 17 Okt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 05:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Giuseppe Meazza

Garsooraha: Maurizio Mariani (Italy)

Wararka Kooxaha:-

Inter waxaa ka maqnaan doona ciyaartooy fara ku tiris ah oo kooxda koowaad ah, kuwaas oo haatan ku jira go’doon ama is karaantiil, iyagoo ka soo laabtay qaarkood KOFID 19.

Aleksandr Kolarov ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo daafaca Inter Milan, halka Nicolò Barella uu ka soo muuqan karo lambar 10-aad.

Stefano Sensi ayaa ganaax ku maqnaanaya kaddib casaankiisii uu xilli dambe qaatay kulankii Lazio ee ka hor fasaxa caalamiga ah.

Zlatan Ibrahimovic ayaa ka soo kabtay KOFID 19, wuxuuna ku soo bilaaban doonaa safka AC Milan, halka Ante Rebic uu wali dhaawac yahay.

Alessio Romagnoli ayaa sidoo kale ku soo laabtay kooxda isagoo hoggaamin doona daafaca kooxda Rossoneri.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- AC Milan ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 14 ka mid ah 15-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

>- Kooxda AC Milan ayaa guuleysatay siddeed ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

>- AC Milan ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka Serie A.

>- Inter Milan ayaa guuleystay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Kooxda AC Milan tartammada oo dhan.

>- Inter Milan ayaan la garaacin 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka Serie A.

>- Inter Milan ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday AC Milan tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close