Tababare Solskjær oo si adag ugu jawaabay rabitaanka Paul Pogba ee u dhaqaaqista Real Madrid

(Manchester) 16 Okt 2020. Tababaraha reer Norway iyo kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa xaqiijiyay inuu kalsooni buuxda ku qabo sii joogitaanka Paul Poga ee Red Devils ilaa dhamaadka qandaraaskiisa ugu yaraan.

Magaca Paul Pogba ayaa lala xiriiriyay u dhaqaaqistiisa kooxda Real Madrid, kaddib markii uu laacibka reer France sheegay in ka badan hal jeer riyadiisa ah inuu ka ciyaaro Los Blancos maalin uun.

Sida laga soo xigtay shabakada “Goal” Tababaraha reer Norway iyo kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Paul Pogba waa ciyaaryahan u ciyaara kooxda Manchester United laba sano oo kale”.

“Waan hubaa in Paul Pogba uu kaliya diirada saarayo sidii uu noogu sameyn lahaa waxa ugu fiican”.

”Waxaan ku kalsoonahay in aan ka faa’iidaysan doono Paul Pogba labada sano ee soo socota” ayuu yiri tababare Ole Gunnar Solskjær.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close