RASMI: Sancho & Fati oo hoggaaminaya liiska kama dambeysta ah ee 20-ka laacib oo ku tartami doona abaal-marinta Golden Boy 2020

(Yurub) 15 Okt 2020. Waxaa la shaaciyey liiska kama dambeysta ah ee 20-ka laacib ee ku tartami doona abaal-marinta Wiilka dahabiga ah ee Golden Boy 2020.

Sancho & Fati ayaa hoggaaminaya liiska xiddigaha u sharraxan abaal-marinta Golden Boy 2020, waxaana sidoo kale liiskan kama dambeysta ah ku soo baxay Haaland & Greenwood.

Wargeyska dalka Talyaaniga ka soo baxa ee Tuttosport ayaa bixinta abaal-marintan bilaabay sanadkii 2003, waxaana da’yarkii ugu horreeyay ee ku guuleystay uu ahaa xiddigii reer Holland ee Rafael Van Der Vaart.

Xiddigii ugu dambeeyey ee abaal-marintan ku guuleystana waxa uu ahaa da’yarka hadda ka tirsan kooxda Atletico Madrid ee Joao Felix.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska 20-ka laacib ee ku tartami doona abaal-marinta Golden Boy 2020:-

Mitchel Bakker – PSG

Eduardo Camavinga – Rennes

Jonathan David – Lille

Alphonso Davies – Bayern Munich

Sergino Dest – Barcelona

Fábio Silva  – Wolverhampton

Ansu Fati – Barcelona

Phil Foden – Manchester City

Ryan Gravenberch – Ajax

Mason Greenwood – Manchester United

Erling Haaland – Borussia Dortmund

Callum Hudson-Odoi – Chelsea

Dejan Kulusevski  – Juventus

Rodrygo – Real Madrid

Bukayo Saka  – Arsenal

Jason Sancho –  Borussia Dortmund

Dominik Szoboszlai – Red Bull Salzburg

Sandro Tonali  – Milan

Ferrán Torres  – Manchester City

Vinícius Junior – Real Madrid

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close