Kooxda Real Madrid oo heshiis kordhin hal sano ah hordhigaysa Luka Modric

(Madrid) 15 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid eek a dhisan caasimadda Spain ayaa la soo warinayaa inay kaliya heshiis kordhin hal sano ah hordhigayso ciyaaryahankeeda Luka Modric.

Wargeyska Sport ayaa warinaya in Kooxda Real Madrid ay kaliya hal sano oo qandaraas kordhin ah u soo bandhigi doonta laacibkeeda khadka dhexe ee Luka Modric.

Xiddigan qibradda leh ee xulka qaranka Croatia ayaa haatan da’diisu tahay 35-sano jir, waxaana uu haatan ku dhow yahay inuu xirfaddiisa ciyaareed soo gabagabeeyo.

Los Blancos ayaana kaliya hordhigi doonta Modric sida warbixinta lagu shaaciyey qandaraas kordhin hal sano ah.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close