Kooxaha Man United iyo Tottenham oo ogaaday qiimaha ay ku heli karaan Paulo Dybala

(Turin) 15 Okt 2020. Inkasta oo loo doortay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Italy xilli ciyaareedkii hore, hadana uma muuqato in ay Juventus doonayso in ay sii haysato xiddiga reer Argentine ee Paulo Dybala mustaqbalka fog.

Paulo Dybala ayaan u ciyaarin ilaa iyo haatan kooxdiisa Juventus sababo la xiriira dhaawicii soo gaaray xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga reer Argantina ma uusan cusbooneysiinin qandaraaska uu kula jiro kooxda Juventus ilaa iyo waqtigaan, halka wargeyska “CalcioMercato” oo xiganaya dhigiisa “Daily Mail” uu sheegay in Juventus aysan wax niyad ah u heynin inay fuliso codsiyada Dybala, taasoo la macno ah in lagu sii dhawaanayo ka tagitaankiisa magaalada Turin.

Wargeyska Talyaaniga ayaa sharxay in sababaha qaar ay ka dhigayaan in Juventus ay ku fikirto iibinta ciyaaryahanka, oo ay ugu horeyso in Pirlo uusan u arkin Dybala ciyaaryahan lagama maarmaan ah, gaar ahaan iyadoo ay adag tahay inuu la joogo Cristiano Ronaldo isla waqtigaas garoonka dhexdiisa, waxaana loo arkaa in booskaas uu ku haboon yahay xiddiga reer Sweden ee Dejan Kulusevski.

Sababta labaad ayaa ah dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay caabuqa Korona Fayras, maadaama kooxda ay ku fikireyso suurtagalnimada ay kaga heli karto dhaqaalo badan howlgalka ay ku iibineyso ciyaaryahanka.

Waxay intaas ku dartay in maamulka Bianconeri ay horay u dejiyeen qiimaha lagu iibinayo laacibka reer Argentina, maadaama ay codsadeen 80 million euros, lacagtaas oo laga yaabo inay ku riixdo kooxaha Manchester United iyo Tottenham inay mar kale u dhaqaaqaan si ay ula soo saxiixdaan Paulo Dybala oo ay u keenaan Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close