“Waxaan heysanaa fursad cusub oo aan ku badeli karno xaallada Barcelona” – Sergio Busquets

(Barcelona) 12 Okt 2020. Xiddiga khadka dhexe kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Busquets ayaa sheegay in Blaugrana ay heysato fursad ay ku hagaajiso xaaladeeda, kaddib marki ay soo bandhigeen xilli ciyaareed niyadjab leh kal ciyaareedkii 2019/20.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Sergio Busquets, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Kooxda kuma noola waqtigeedii ugu fiicnaa, waana tan ka muuqata banaanka, gudahana sidoo kale ma aanan soo bandhigin xilli ciyaareedyadii ugu fiicnaa, tanina waxay si cad u muujineysaa, heerarka shaqsiyadeed iyo kan wadajirka ah”.

“Kubadda cagtu waa ciyaar kooxeed, haddii aysan xaaladu u fiicneyn si wadajir ah, shaqsi ahaan uma fiicnaan kartid”.

“Waxba tari mayso oohinta haddii uu caanaha daato, wixii dhacay way dhaceen, hadana waxaan helnay fursad cusub oo aan wax ku badalno, waxyaabaha qaar way isbadaleen waxaana rajeyneynaa in xaaladdu ay hagaagi doonto mudada soo socota”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close