Real Madrid, Barcelona iyo Chelsea oo ku tartamaya saxiixa xiddig ka tirsan Kooxda Bayern Munich

(Yurub) 11 Okt 2020.  Sida wararku ay sheegayaan Kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Chelsea ayaa ku tartamaya saxiixa xiddiga ka tirsan Bayern Munich ee Alaba.

Warsidaha Sport1 ayaa warinaya in Real Madrid, Barcelona iyo Chelsea ay ka mid yihiin kooxaha safka ugu jira saxiixa David Alaba xagaaga soo socda.

Ciyaaryahankan daafaca uga ciyaara haatan Kooxda Bayern Munich ayaa qandaraaskiisu uu dhacayaa bisha June, waxaana uu ilaa iyo haatan diiday inuu saxiixo qandaraas cusub.

Sidaas darteed, waxa uu wadahadal la yeelan karaa kooxaha doonaya bisha Janaayo bilowgeeda si uu ugala hadlo heshiis bilaash ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close