Muxuu Kevin De Bruyne ka yiri inuu heshiis cusub u saxiixayo Kooxdiisa Manchester City??

(Manchester) 11 Okt 2020. Laacibka khadka dhexe ee Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa Alabaabada u furay inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa.

Xiddiga xulka qaranka Belgium, kaasoo xulka England garoonka Wembley kula ciyaari doona Axadda ayaa qayb muhiim ah ka ahaa guushii Man City ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna ku guuleystay maamuus badan oo naadi iyo abaal-marinno shaqsiyeed ah.

Waxa uu heystaa heshiis labo sano iyo bar oo uu ku sii joogo haatan kooxda Man City, wararka ayaana sheegaya inay Kooxdiisa diyaar u tahay inay qandaraaska u kordhiso.

De Bruyne ayaa sheegay inaysan waxba soo soconin haatan, laakiin waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay City inuu ka hadlo shuruudaha.

“Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda, waxaan dhihi karaa hadda hal jeer lama hadlin naadiga, sidaa darteed ma garanayo sababta ay dadku u dhahayaan mar hore ayaan wax ogolaaday.” ayuu yiri Kevin.

“Mar walba waxaan u sheegi jiray qof walba runtii inaan ku faraxsanahay kooxda, waxaana dareemayaa raaxo marka haddii dadka kooxda jooga ay rabaan inay ila hadlaan waan u furnahay taas, waana arki doonnaa waxa dhaca.

“Laakiin waqti xaadirkaan waxba ma dhicin, sidaa darteed waxaan la socdaa sida ay wax u socdaan.” ayuu hadalkiisa ku daray Kevin De Bruyne.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close