Suárez oo ka waxbixiyay dhibaatadii uu kala kulmay Barcelona, xilli sidoo kale uu ka hadlay Lionel Messi

(Spain) 09 Okt 2020. Luis Suarez ayaa afka furtay kaddib guushii uu xulkiisa Uruguay 2-1 kaga gaaray dhigooda Chile, kulankoodii ugu horeeyay ee isreeb-reebka koobka aduunka ee 2022.

Suarez oo dhaliyay gool rigoora ah daqiiqadii 40-aad ee kulankii ay guusha ka gaareen Chile, ayaa kaddib ciyaarta wuxuu la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Waxay aheyd 6 sano aad u wanaagsan ee kooxda Barcelona ah, ​​laakiin waxaa jirtay wado kale oo ay kooxda iigu sheegi kartay inay dooneyso inay bedesho mashruuceeda”.

“Qaabka ma aheyn mid ku haboon, taasina waxay sidoo kale dhibtay Lionel Messi, wuu ogyahay waxa naga soo gaaray iyo sida ay xaalada xilligaas u xumeyd”.

“Lama yaabin kaddib markii uu Lionel Messi si caam ah ii taageeray, sababtoo ah si fiican ayaan u ogahay horeyna waan u ogaa xanuunka uu dareemay”.

“Dareenka ah inay ku tuurayaan ayaa ah waxa ugu xanuunka badan”.

Si kastaba ha noqotee, xiddigii hore ee Blaugrana ayaa qirtay in isbuucii isaga uu u soo dhaqaaqay Atlético Madrid uu ahaa mid qiiro badan, wuxuuna yiri:

“Maalmahaas, Khamiista, Jimcaha, Sabtida iyo Axada, ilaa iyo kulankii ugu horeeyay ee Atlético, wax walba way adkaayeen, waxaana u ooyay sidii aan ku noolaan lahaa”.

Luis Suarez ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Si fiican mala ila dhaqmin, oo waxa i dhibaya waxay ahaayeen fariimaha kooxda ka imanaya ee ahaa inay raadinayaan xal si aan u baxo, waxaan ku qasbanaaday inaan ogolaado xaaladan”.

“Waxaa jiray waxyaabo aan la aqoon, laakiin waxaan aadi jiray tababarka maalmahaas waxaana ka fogaan jiray kooxda, sababtoo ah anigu kama mid aheyn kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close