Roy Keane oo uga digay Solskjær inuu maro wadadii José Mourinho ee kooxda Manchester United

(Manchester) 09 Okt 2020. Halyeeyga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Roy Keane ayaa dhaleeceeyay ciyaartoyda Red Devils, kaddib guuldaradii taariikhiga aheyd ee ka soo gaartay Tottenham Hotspur.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa NUS DARSAN goolal ah ku xaaqday 10 xiddig oo naadiga Manchester United ah, kaddib markii ay kaga soo adkaadeen 1-6, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Haddaba wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Roy Keane waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Qaab ciyaareedka kulankii Tottenham wuxuu ahaa mid laga xishoodo, waxaa jiray kuwo badan oo khiyaanoolayaal ah, ugu dambeyntii ciyaartoydan waxay caqabad ku noqon doonaan shaqada Ole Gunnar Solskjær”.

“Waxay hoos u dhigeen tababarihii hore, waxayna sidaas oo kale ku sameyn doonaan Ole Gunnar Solskjær”.

Si kastaba ha noqotee, Manchester United ayaa waxay haatan fadhisaa booska 16-aad ee miiska kala sarreynta Premier League, kaddib markii ay badisay hal kulan oo kaliya, islamarkaana laga badiyay labo kulan seddexdii kulan ee ugu horeysay horyaalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close