Muxuu ka yiri Lionel Messi guushii adkeyd ee xulkiisa Argentina uu ka gaaray Ecuador??

(Argantina) 09 Okt 2020. Kabtanka xulka qaranka Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay kulankii adkaa ay la ciyaareen dhigooda Ecuador.

Xulka qaranka Argantina ayaa subaxnimadan Jimcaha ah guul dirqi ah ka gaaray dhigooda Ecuador, kaddib markii ay kaga adkaadeen 1-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada isreebreebka Koofurta Ameerika ee Koobka Adduunka 2022.

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolka uu xulkiisa qaranka Argantina guusha kaga gaaray Ecuador, kaddib markii uu dhaliyay rigoore daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta.

Lionel Messi ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Waan ogeyn inuu kulan adag noqon doono, laakiin waxa ugu muhimsan ayaa ah inaan guuleysanay, haddana waa inaan sii wadnaa ka shaqeynta si aan u hormarino qaab ciyaareedkeena”.

“Waxay ahayd muhiim inaan guul ku bilowno kulamada isreebreebka, sababtoo ah waan ognahay sida ay u adag yihiin ciyaaraha isreebreebka ee koobka adduunka”.

“Kulamada xilli walba way adag yihiin, waxaan rajeyneynay in qaabka ciyaareedka uu yara noqon doono mid gaar ah, laakiin ku dhowaad sanad ayaa ka soo wareegtay markii aan wada ciyaarnay”.

“Kani wuxuu ahaa kulankeennii ugu horreeyay muddo kaddib, sidaas darteed waxaan la kulanay xoogaa walwal ah, waxayna xaalada ka dhigtay mid adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close